Soomaaliya ayaa muddo 22 sano ah kaddib xubin ka noqonaysa hay’adda lacagta adduunka, kaddib markii IMF-tu ay sidaas ku sheegtay war ay soo saartay.
War IMF ka soo baxay shalay ayay ku sheegtay in go’aanka ay hay’addu qaadatay uu qayb ka yahay taageerada caalamiga ah iyo aqoonsiga dowladda Soomaaliya.
Hay’adda waxa ay sheegtay in xilligan Soomaaliya aysan xaq u laheen inay hesho maal-gelin cusub oo uu bangiga siiyo illaa ay iska bixineyso lacag ka badan $350 milyan oo dollarka Mmareykanka ah, taas oo ah dayn ay hay’addu ku leedahay.
Tallaabadan ayaa albaabada u furaysa dalalka deeqda bixiya iyo bangiyada kale ee horumarinta inay soo celiyaan xiriirkii maaliyadeed ee ay Soomaaliya la lahaayeen.
Daafeet.Com