Wafdi ka socda (UNPOS) oo Baydhabo u tagay dedejinta samaynta maamul goboleedka KoonfurGalbeed

0
38

baydhabooWaxaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo caasimada gobolka Baay Wafdi balaaran oo ka socdey Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arimaha Soomaaliya ee marka lasoo gaabiyo loogu yeero (UNPOS) oo uuna horkacayay Sanday Ojoje.

Wafdigan ayaa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay garoonka caalamiga ah ShaatiGaduud ee magaalada Baydhabo Gudoomiyaha gobolka Baay,Odayaasha dhaqanka iyo Gudiga Farsamada Maamul u sameynta Gobalada KoonfurGalbeed.

Wafdiga ayaa kulan la qaatay qaybaha kala gedisan ee reer Baydhabo waxana uu hoosta ka xariiqay in Xafiiska (UNPOS) uu garab taagan yahay maamul u samaynta gobolada KoonfurGalbeed Soomaaliya ee Lixda ah.

Labaatanka bishan Apriil ee aynu ku jirno ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirweyne maamul loogu samayn doono gobolada Jubada hoose,Jubada dhexe,Shabeelaha hoose,Baay,Bakool iyo Gedo.

Halkan ka dhegayso

joe