Shirkii madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa maanta ka furmaya magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, iyadoo Somaliland ay sheegtay inaysan gor-gortan ka galayn madax-bannaanideeda.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo la halday BBC-da isagoo ku sugan Ankara ayaa sheegay in shirka uu noqon doono mid ay labada madaxweynuhu isku dhaafsadaan fikrado ayna kasoo saaraan go’aanno mideysan oo ay dani ugu jirto Somailland, Soomaaliya iyo guud ahaan bariga Afrika.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in dowladda Turkiga ay shirkan ka tahay fududeeye oo keliya, balse aysan ka ahayn dhexdhexaadiye; waxa wada hadlayana ay yihiin Soomaaliya iyo Somaliland.
Magaalada Ankara ayaa waxaa kuwada sugan madaxweynayaasha Somalia iyo Somaliland iyo wasiirro la socda, waxaana lagu wadaa in kulanka maanta u furmaya uu caawa lasoo gabgabeeyo lagana soo saaro qodobbo ay labada dhinac isku afgarteen.
Daafeet.Com