Afhayeenka Alshabab Cali Dheere oo sheegay iney Alshabab masuul ka eheyd qaraxii maanta ka dhacay Maxkamada Gobolka Banaadir

0
115

cali dhereAfhayeenka Al-Shabaab, Sheekh Cali Dheere oo la hadlayay warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegay in weerarradii lagu qaaday maxkamadda gobolka ay ku dileen 27-qof oo isugu jiray ciidammo iyo shaqaalihii maxkamaddaas uuna weerarkoodu ahaa mid ku dhammaaday guul.

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabab wuxuu sheegay in muddo saddex saac ah ay gacanta ku hayeen dhismaha maxkamadda gobolka,markii dambena ay isaga baxeen, isagoo aan sheegin khasaaraha kasoo gaaray.

“Weerarkan wuxuu ahaa mid lagu beegay xilli ay kulammo lahayeen kuwa isku sheegaya inay yihiin garsoorayaasha maxkamadaha, xilligaas waxaa ku sugnaa halkaas ciidammo fara badan oo sugayay ammaanka mana jirin dad shacab ah oo goobtaas ku sugnaa,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkan ayaa sheegtay inay soo abaabushay Al-shabaab, waxaana wasiirka arrimaha gudaha uu sheegay in halkaas ay ku dileen sagaal nin oo weerarka soo qaadday, kuwaasoo qaar ka mid ah ay is-qarxiyeen intii uu dagaalku socday.

 

 

Daafeet.Com