Wasiiro iyo Xildhibaano hore ayaa ka qayb galay munaasabad loogu Baroor diiqayay Allaha u naxariistee Halyeey Dr. Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud oo 3 April 2013 ku geeriyooday magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka, isla markaana todobaadkii hore lagu aasay magaalada Baydhabo Janaay. Munaasabada baroordiiqda ah oo xalay lagu qabtay magaalada London, waxa sidoo kale ka qayb galay madaxda Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska oo ay ugu horeeyeen Maxamed Ismaaciil (Atoore) Dr. Cali Xasan Cismaan Maxamed, Culumaa’udiin, Haween, Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale.
Aqoonyahan C/qaadir Shacbaan Axmed (Dhegacade) oo ka hadlay munaasibada Baroordiiqa ayaa ku dheeraaday Shakhsiyada iyo taariikhdii Allaha u naxariistee Halyeey Marxuum Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud oo uu ku sifeeyay Halyay Qaran oo qayb libaax ka soo qaatay Dowladihii dalka soo maray iyo Halgankii dib u xoreynta gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya, dhismihii dowlad goboleedkii South West Soomaaliya iyo horumar dhinacyo badan lahaa.
Xoghayaha Guud ee Jaaliyada Koonfurta Soomaaliya Dr. Cali Xasan Cismaan oo kulankaasi ka hadlay ayaa yiri rabi ha u naxariistee Marxuum Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud, waxa uu ahaa shakhsi aan si fudud lagu iloobi Karin, isla markaana taariikhda baal dahab ah ka galay.
Sidoo kale Sheekh Ilyaas Cali Nuur oo kamid ah Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaano dalkaan Ingiriiska ayaa wuxuu Halyey Marxuum Shaatigaduud Alle uga baryay inuu Rabi geliyo Janadii Fardowsa, qoyskiisa iyo Guud ahaan ummada Soomaaliyeed uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Munaasabada Baroordiiqa waxaa kaloo hadalo ka jeediyay Mas’uuliyiin kale oo ka waramay Taariikhdii marxuumka iyo duruufihii halganka ee uu soo maray, waxayna kala ahaaayeen dadkii goobta ka hadlay, Siyaasi Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) oo khadka Telefoonka kaga qeybgalay Baroordiiqa isagoo ku sugan Magaalada Baydhabo Janaay, Sayid Axmed Maxamed Cali, Korneyl Cali Xuseen Caliyeey, Ex-Xildhibaan C/raxmaan Macalin Cali, Ex- Wasiir Siyaasi Axmed Sheekh Mukhtaar, Ex- Xildhibaan Cali Sheekh C/laahi (Afgooye), Aqoonyahan C/laahi Xaamuud Maxamed Aadan, Sheekh Aadan Macalin Maxamed, Dr. Casiisa Axmed Caliyow, Istarliin Maxamed Nuur, Dr. Rashiido Cigale, Caabuda Macalin Axmed, Aqoonyahan Ibraahim C/qaadir Maxamed, Ibraahim Macalin Yarrow (Kaduud), Mustaf Sheekh Maxamed, Aqoonyahan Aadan Xaaji Jaabir, Ugaas C/laahi Kulane (Firdhiye), Qoraaga Weyn C/casiis Cali Ibraahin (Xildhibaan), Saciid Baana Maxamed, Aba Sheekh Abu Mudhir iyo Ilyaas Saciid Cali ( Ilyas Qalinle) oo ahaa isku dubaridaha iyo Xiriiriyaha Munaasabada Baroordiiqa Halyey Marxuum Xasan Maxamed Nuur Shaatigaduud, dhamaan Dadkaa waxay Illaahay uga baryeen inuu naxariistii Janno ka waraabiyo marxuumka oo Noloshiisa iyo Naftiisa u Haneyay Dadkiisa iyo Dalkiisa.
Ugu dambayntii Sheekh Ilyaas Cali Nuur ayaa Munaasabada Baroordiiqda ku soo xiray Aayado Quraan iyo Ducooyin Loo Jeediyay Marxuumka.
Innaa Lillahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun
Ilyaas Qalinle
Daafeet.Com