Madxweynaha Dowlada Federalka Somaliya oo dalka dib ugu soo laabtey

0
49

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii kala qaybgalay shirkii Turkiga oo isugu jiray wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda ayaa dib ugu soo laabtay saakay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa si kooban uga hadlay shirka iyo qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in shirka uu sii socon doono, lagana soo saaray qodobbo wax ku ool ah.

C/kariin Guuleed ayaa dhinaca dowladda Soomaaliya u saxiixay heshiiska iskaashi ee ka koobnaa toddobada qodob, iyadoo dhinaca Somaliland uu u saxiixay wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Cabdullaahi Cumar.

Inkastoo heshiiska lasoo dhaweeyay haddana waxaa jir qodobbo ay dadku si aad ugu wareersan yihiin kuwaasoo ay ka mid yihiin tababarrada ciidamada iyo wadaagga dhaqaalaha dibadda laga helo.

Daafeet.Com