Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay soo dhameystireen qorshihii ay kula wareegi lahaayeen deegaannada gobollada Baay ku harsan gacanta maleeshiyada kooxda Al-shabaab.
Col. Xassan Baydhabo oo ah taliyaha ciidamada millitariga dowladda Soomaaliya ee gobollka Baay ayaa warbaahinta u sheegay in ay dhameystireen qidadii ama qorsihii ay kula wareegi lahaan deegaannada gobolka Baay ee hadda wali ku sii harsan gacanta kooxda Al-shabaab.
Waxaa uu intaa ku darray in ciidamada dowladda ku jiraan diyaar-garowgii ugu danbeeyay oo ay doonayaan in ay duullaan militari ugu qaadaan deegaannada kale ee wali ku sii harsan gacanta Al-shabaab.
Hadalkan ayaa waxaa kuso beegmayaa xili kolkii ey shaley ciidamada dowlada ka saareen Alshabab Degmada Ufurow oo ka tirsan Gobolka Bay.
Daafeet.Com