Afhayeenka Alshabab oo sheegey in Alshabab ey ka dambeyso weerarkii lagu diley samafalayasha Turkiga

0
42

cali dhereAfhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa sheegay in weerarkii lagu dilay samafalayaasha Turkiga ah ee ka dhacay Muqdisho ay iyagu ka dambeeyeen uuna farriin u yahay shisheeyaha ku sugan dalka Soomaailya.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid daba-socday weerarkii lagu qaaday maxkamadda gobolka Banaadir, wuxuuna xusay inay la beegsadeen kooxihii gurmadka u fidinayay ciidamadii dowladda ee ku sugnaa maxkamadda gobolka Banaadir.

Qaraxa lagu dilay shaqaalaha Turkiga ah ayaa waxaa lagu fuliyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana sidoo kale qaraxaas ku dhintay haweeney iyo qofkii weerarka fuliyay.

Dilka samafalayaasha u dhashay dalka Turkiga ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo Muqdisho loogu geysto tan iyo markii ay howlaha samafalka ka billaabeen Muqdisho sannadkii 2011.

Daafeet.Com