Dowlada Ingiriiska oo cambaareysey Qaraxii Shaley ka dhacay Maxkamada Gobolka Banadir

0
44

uk flagXukuumadda Britain ayaa cambaareysay weerarradii ismiidaamin ah ee Axaddii shalay ahayd ka dhacay magaalada Muqdisho oo salfaday nolosha in ka badan 33 qof, iyadoo sheegtay inay horay uga digtay weerarradan.

Birtain ayaa horraantii bishan sheegtay in Muqdisho ay ka dhici karaan falal argagaxiso oo ay geystaan Al-shabaab iyo kooxo kale oo kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, iyadoo uga digtay muwaadiniinteeda inay tagaan Muqdisho.

Hague oo si hadalaya ayaa yiri: “Boqortooyada Britain iyo beesha caalamka waxay sii wadayaan go’aankoodii ay ku sheegeen inay gacan ka geysanayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen nabad, deggenaasho iyo horumar.”

Sidoo kale, wasiirka arrimaah dibadda Britian wuxuu ku baaqay in sharciga la horkeeno kooxihii argagaxisada ahaa ee ka dambeeyay falkaas, wuxuuna intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay aad uga feejignaato dhibaatoyin nooca oo kale oo dhaca.

Daafeet.Com