Madaxweynaha dowlada federalka oo ku dhawaaqey in dowlada qaadi doonto dagaal ka dhan ah Alshabab

0
33

xasanMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmauud ayaa ku dhawaaqay dagaal cusub oo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, kaddib kulan deg-deg ah oo xalay ay guddiga ammaanka Qaranka ku yeesheen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Al-shabaab ay bedeshay habkii dagaalka, iyaguna ay bedeleen qorshaha dagaal, isagoo shacabka Soomaaliyeed weydiistay inay ciidamada dowladda gacan ku siiyaan dagaalka cusub ee lala galayo Al-shabaab.

Sidoo kale, madaxweynaha wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay fahmaan cadowga haysta ayna gartaan naycbka iyo xumaanta uu u qabo inta ay le’eg tahay, isagoo Al-shabaab ku tilmaamay cadowga bani’aadamka iyo midka Alle.

Madaxweynuhu wuxuu ku cel-celiyay in shacabka looga baahan yahay inay dowladda gacan ku siiyaan dagaalka cusub ee ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay inay joogto ‘Way nagu raagtaye yaan loo kala harin’ wuxuuna xusay in Al-shabaab oo laga guuleysto ay ku xiran tahay hadba sida la isaga kaashado dagaalka lala galayo..

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dhibaatooyinkan oo kale ay dhacayaan inta ay dadka ku dhex-jiraan kuwo uu ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal u shaqeeya Al-shabaab oo aan dan ka lahayn shacabka Soomaaliyeed iyo deggenaashaha dalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qaadayso dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo laga billaabayo Muqdisho, isagoo xusay in dagaal uu khasaare dhalinayo, balse loo baahan yahay in dadku ay u adkeystaan dhibaatooyinka dhacaya inta laga adkaanayo Al-shabaab.

Daafeet.Com