Qoysas ku noolaa xerooyinka qaxootiga ee magalada Baydhabo oo dib u dejin lagu sameeyey

0
123

baydhabooMaamulka degmada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa dib u dejin u sameeyay 207 qoys oo ka mid ah qoysas barakacay oo ku noolaa mid ka mid ah xerooyinka ku yaalla magaalada.

Qoysaska oo ku noolaa xerada Kor-mari ee waqooyiga magaalada Baydhabo ayaa guryihii ay ku noolaayeen, oo ka sameysnaa cooshado iyo baco, waxaa qaaday daadad xooggan oo ka dhashay roobabka gu’ga oo ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo Cabdiqaadir Sheekh Cali (Barako), ayaa sheegey in qoysaska si ku-meel-gaar ah loo dejiyay xaruntii hore ee wakaaladda horumarinta beeraha ee ADC.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in hay’ado maxalli ah ay kala qeyb-qaateen maamulka dib u dejinta loo sameeyay dadka barakacay.

Daafeet.Com