Shabeelaha hoose 21 Sano kadib 21 Isbaaro dhex taal.

0
144

IsbaaroGuud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan inta degta koonfurta waxay ka wada dheregsan yihiin dulmiga aan loo meel dayan ee lagula kacay Shacabka Soomaaliyeed ee dega gobolka Shabeelaha hoose in ka badan Afartan sanadood haba ugu sii badnaatee xiligan dagaalka sokeeye ee 22 sano jirsaday.

Ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Shabeelaha hoose oo dhibaatooyinka lagula kacay aan qoraal lagu koobi karin ayaa hadana waxaa marag madoonta ah in lagula kacay waxkasta oo diidaaya damiirka Aadminimo,kan Islaamka iyo kan Soomaalinimada intuba waxaana wax laga xumaado ah in dhibkan dadnima darada,Damiir xumida,Diin la’aanta iyo Xishood-daridu haraysay ay kasoo fuleen dad aan wax badan wadaagno sida Dadnimada,Diinta iyo Dalk.

Dadka ku dhaqan gobolka waxay marqaati ka noqdeen isbedelo waqtiyeed oo kooxo isku u jeeda ah balse kala magac duwan ay dushooda qoriga caaradiisa midba maalin kula wareegtay ilaa la gaaray in dadka gobolka lagu dhibaateeyo magaca Diinteena Xaniifka ah oo dadka gobolku ay ahaayeen kuwii in badan oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed baray Diinta Islaamka sida Sheekh Yuusuf Maxamed Xintir (Sheekh Yuusuf-Al-Kownayn) Aabihii hingaada(Alif la kordhoweey)Sheekh Cali Maye Sheekhu Suufiya oo ardadii shalay ka aflaxay madrasadooda sida Sheekh Xasan macalin Al-Basra iyo Sheekh Xaaji Yuusuf maanta dadkoodii dhibaataynaaya culimadii wax bartay Ahalkoodii. (Waa cibaara Aduun iyo Ummad halaag u waajibay).

Dadka gobolka ayaa in badan oo ka mid ah waxay nolosha dul-dhigteen inay niyadoodu wanaajiyaan taladuna ay ILLAAH u saartaan iyagoo kalsooni buuxda ku qaba Diintooda oo ku cad in Dacwada ruuxa la dulmay uu ducaystaa uu ILLAAH ajiibo xitaa aakhiraba haloogu dib dhigee dulmiilaha maalin uun laga aabaal marin doono denbigii uu falay.

Hadaba xiligan cusub ee ay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gashay oo ah xili soo noqotay Dowlad-nimadii dalka oo Kumeel gaar iyo Fowdo laga baxay nidaamka la qaatayna uu noqday Federaal madaxda sare ee dalka lagu tuhmaayo Aqoon iyo Cadaalad falid ayaa waxaa nasiib daro ah in dadka Soomaaliyeed ee degan gobolka Shabeelaha hoose aanu waxba ka bedelmin xaalkooda oo dhibtii 22 sano jirsatay ee ay ku jireen inay weli maantadan ay ku jiraan waaba hadayan uga sii darine.

Isbaarada,Dilka,Kufsiga,Dhacahubaysan, Barakicinta,Hanjabaada iyo Cagajuglaynta intuba dadka Shabeelaha hoose maanta waxay la yihiin deris aad moodo inay ku qasboonaadeen oo ay deeq u heleen

Akhristaha Sharafka iyo Qiimiga mudanoow bal ila fiiri sedexdaan gobol(Shabeelaha dhexe,Banaadir iyo Shabeelaha hoose) oo maalin isku ahaa hal gobol(Banaadir) iyo xaalka maanta ay ku kala sugan yihiin,Sedexda gobol waxaa intooda badan laga xoreeyay Xarakadii laga itaal roonaaday ee Shabaab waxaana gacanta ku wada dhigay ciidamada Xooga Dalka oo kaashanaya kuwa reer Afrika ee AMISOM waxaana ka hirgalay amarka Dowlada marka laga reebo gobolka Shabeelaha hoose.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 25/11/2012 kulan la qaatay qaar ka mid ah Gudoomiyaasha degmooyinka Gobolada Banaadir, Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe ayna goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo qaar ka mid ah Wasiirada xukuumada ayaa Madaxweyne Xasan gaba gabadii kulanka ka hadlay ayaa waxa uu yiri

“Magaalada Muqdisho lixdan Isbaaro ayaa taala, waxaa ognahay cida ay u taalo, shaqsiyaad u taala oo ka dambeeyay, kooxaha is ka leh, inta dhaqaale ee ka soo xaroota, waxaan soo baarnay daqli soo gasha waa la soo baaray waa la og yahay, lacagtaas jeebabka ay kala gasho waa la og yahay, waxa la soo maray waa la og yahay, wax walba naga xumaadeen, faro iskuma fiiqeyno, isma dacaayadeyno, waxaa rabnaa inaan ka shaqeyno sidii aan isbaarooyinkaas u qaadi laheyd”.

Hadalka madaxweynaha ka dib waxaa la qaaday dhamaan Isbaarooyinkii yiilay Muqdisho waxaa sidoo kale laga hortagay in Isbaara la dhigto gobolka Shabeelaha hoose halka kuwii Muqdisho laga saaray u wareegeen gobolka Shabeelaha hoose waxaana sidaa si lamid ah Muqdisho iyo Shabeelaha dhexe ummadda degeni ka nasateen Dilka micna darada ah,Kufsiga aan loo meel dayan,Dhacahubaysan, Barakicinta,Hanjabaada iyo Cagajuglaynta halka reer Shabeelaha hoose ay weli la nool yihiin!!!Sababtu waa maxay adiguba garo!

Akhristaha Sharafka iyo Qiimiga mudanoow warkaan aan kor ku soo sheegay oo dhan ma ahan mid aan cadayn u hayn oo waxaan maray wadada Muqdisho ilaa golweyn,Afgooye ilaa Janaale oo wada Aw-dheegle sii marta sidoo kale Afgooye ilaa Leego oo intuba Boqol KM iyo waxoogaa u wada jira caasimada magaalada Muqdisho waxaana mid mid u dul istaagay ilaa 20 Isbaaro waxaana mid mid u waraystay dadkii u tiilay oo aan meesha ugu tagay Balse waxaan mar labaad iyo mar sedexaad isweydiiyay maxay tahay sababta gobolka Shabeelaha hoose ay weli ugu sugan yihiin Isbaaroolayda?.

1- Isgoyska Ceelasha Biyaha(Waa deegaanka Barakayaashii Muqdisho) waxay u taalaa Gudoomiyaha Lafoole C/laahi Jabeey Habargidir CEYR ah.

2-Siinka dheer waxaa yaalo labo isbaaro waxayna u yaalaan JENERAL Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo horay u ahaa taliyihii maleeshiyada Dooxada Juba(Walaalaha Galgaduud)ee madaxda ka ahaa Qabqable Bare Hiiraale waana nin CEYR ah haatana waa taliyaha Guutada 3-aad ee ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

3-Meel aan ka fogayn oo 100 Mitir kaliya u jirtana waxaa Isbaara u taal maleeshiyo beeleed ka amar qaata Sh.C/qaadir Cali Cumar waa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha waana H/gidir Saleebaan.

4-Al-Nasri 3 waxaa yaala 5 isbaaro oo isku jira min 20 Mitir

5-Irida hore ee Jaamacadii Lafoole waxay u taal maleeshiyo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana meesha loo yaqaan Shanta Golaha sare.

6-Carbiska waxay u taalaa Milateriga dowlada oo ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh waana tan ugu waxyeelada badan dhanka shacabka.

7- Baar-Ismaaciil waxay u taalaa Milateriga dowlada waxayna ka amar qaataan sarkaal lagu magacaabo Hurdaaye oo Madaxweynaha ku beel ah.

8-Laanta Buuro waxay u taal Milateriga dowlada beel ahaana waa Abgaal

9-Number 50 waxay u taalaa Ex. Xildhibaan C/laahi Waafow oo beesha Biimaal kasoo jeeda.

10-Shalanbood waxay u taalaa Maleeshiyo Beeleed isku dhaf ah (Habargidir iyo Gare)waxayna si toos ah ugu xiran yihiin Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii.

11-Isbaarada Buufow(Degmada Marka) waxay u taalaa Milateriga dowlada ninka lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne & C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose .

12-Ceeljaale(Degmada Marka) waxay u taal Milateriga dowlada.

13- Janaale waa Isbaarada ugu Dakhliga badan isbaarooyinka waxaana shirko ku ah C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose iyo Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo uu wakiil uga yahay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne oo kuna dhaawacmey dagaalkii Marko, hada kumeel gaar ahaan waxaa u jooga sarkaal lagu magacaabo INA CEELBUUR.

14-Cabdow Dibile isbaaradaaan waa tan ugu dambeysay oo la soo dhigay waxayna u taalaa Milateriga dowlada ku heyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.

15-Aw-dheegle waxaa isbaaro ay u taalaa C/qaadir Siidii Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose & Ciidankii laga soo wareejiyey Marko, waxaana shirko ku ah sida tan Janaale oo kale Gudoomiyaha Gobalka C/qaadir Siidii & Jeneral Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) Taliyaha Guutada 3-aad ee ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed Ex-hogaamiye maleeshiyada beesha Cayr.

16-Mokeyga Afgooye waxaa Isbaara u taalaa Cabdi Ileys oo ah Gudoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Degmada Afgooye waana Murusade.

17- Tixsiile waxay u taal Sarkaal maleeshiyo oo lagu magacaabo Maxamed Raage Dhiilow oo kuheyb ah Madaxweyne Xasan Shiikh.

18-Warmaxan waxay u Taalaa Jeneral Cali Ciise Caraaye(Gacmodulle), waxaana wakiil u ah sarkaal uu adeer u yahay lagu magacaabo (FOR-FOR) waa Abgaal.

19- Wanla-weyn waxay u taalaa Sarkaal lagu magacaabo Cumar Cali Cadow oo wakiil ka ah Sarkaal lagu magacaabo Muuse Gurre oo xiligii WARLORDka ahaa Ninkii heysan jirey Boondheere & Shibis.

20- Yaaqbiri-weyne waxay u taalaa isbaaro nin uu Tuuladaas u magacaabey Gudoomiyaha Gobalka Sh/hoose C/qaadir Siidii taasoo uu isna Shirko kula yahay.

21. Leego isbaaradaan waa Shirko Saddex geesood ah, waxaana shirko ku ah Gudoomiyaha Gobalka Shabeelaha hoose C/qaadir Siidii, Milateriga dowlada & Gudoomiyaha Tuulada uu u magacaabey C/qaadir Siidii oo lagu magacaabo Abuukar Leego.

Inkasta oo ay Isbaarooyinku intaan ka badnaayeen ayaa hadana kuwani waxaan u soo qaatay inay ahaayeen kuwo in la sheego u baahan hadaba Shabeelaha hoose 21 Sano kadib 21 Isbaaro in la dhigto qaybaha yar ee gobolka ee laga saaray Shabaab ma waanay taasi daliil u ahayn in gobolku uu markale u baahan yahay dib u xorayn?

Mise xaalku waa Soomaalidu ma xishootee wey baqdaa si ay kuu nabadgelisana sharta uga hormar!.

Waxaa kaloo iyana jirta oo in la iftiimiyo u baahan Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Shabeelaha hoose oo aan marnaba ka hadlin dhibta lagu hayo shacabka ay metelaan ee ku nool gobolka Shabeelaha hoose iyadoo aan la ogeyn sababta keentey in ay marqaati kaliya ka noqdaan dhibta lagu hayo dadka ay matalaan.

Waxaa kaloo u baahan in la xuso in ummada Soomaaliyeed maanta ku heshiisey nidaamka Federalka taasoo micnaheedu yahay in deegaan kasta dadka ku nool ay ayagu ka tashadaan kana shaqeeyaan aayahooda mar kale waa iga su’aale sida ay aayahooda uga tashan karaan dad Ciidankii difaaci lahaa Diiranaaya?

Abdiaziz Sh Salah

wadajirradio/Daafeet.com