Golaha amaanka iyo Mareykanka oo cambaareeyey Qarixii ka dhacay Magalada Muqdisho amalintii Axada

0
51

securityWar qoraal ah oo si wadajir ay u soo saareen Mareykanka iyo Golaha ammaanka ayaa waxay kaga hadleen dhacdadii Maalintii Axada ka dhacday Magaalada Muqdisho oo ay geysteen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in kuwa hor istaagsan Nabad ka bidhaanta Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin oo ay la dagaalamayaan,iyadoo beesha caalamka ugu baaqday in la garab istaago xukuumada Soomaaliya oo dagaal kala kulmeysa Al-shabaab.

Golahaa ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay in daraasiin dad ah ay ku dhinteen weerarkii dhacay malintii Axada Magaalada Muqdisho,halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.
Waxayna ku eedeeyeen dhacdadaasi Al-shabaab sida horay u sheegteen iyaguba.

Si kastaba arintu ha ahaatee weeraradan ey geysanayaan kooxaha Alshabab ayaan aheyn kuwii ugu horeeyey oo ey ku dhintaan dad fara badan balse ilaa iyo hada aan laga qaban wax wax ku ool ah balse ey haboonan laheyd in dowladaha caalamka ey cambaareynta iyo hadalka badan ey ku bedelaan wax la taaban karo.

 

 

Daafeet.Com