Maamulka dowladda Soomaaliya ee degmada Luuq ayaa ka deyriyay xaaladda nololeed ee dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan degmada luug, iyadoona maamulku uu ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay ka howlgalaan degmadaasi.
Gudoomiye ku xigeenka degmada Luuq Mudane Nuur Xuseen Cali oo la hadley warbaahinta ayaa sheegay in degmadaasi ay ka jirto xaalad biniaadanimo oo aad u liidata, wuxuuna ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay usoo gurmadaan dadka ku dhibaateeysan degmadaasi iyo deegaanada hoostaga.
Masuulkani ayaa sheegay in ammaanka degmada Luuq uu yahay mid la isku haleyn karo islamarkaasina ay iyagu damaanad qaadayaa sugidda amniga hay’adaha iyo weliba cid walba oo gacan ka geysanaysa wax u qabashada dadka ku dhibaateeysan gudaha iyod aafaha degmadaasi, wuxuuna ka deeyriyay xaaladda nololeed ee dadka barakacayaasha ah ee ku nool halkaasi.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gudaha degmada ay ku yaalaan ku dhawaad ilaa 300 oo Kaam oo ay ku jiraan dad kasoo barakacay gobollada Bay, Bakool iyo weliba qeybo katirsan gobolka Gedo, wuxuuna xusay in degmada ay ku suganyihiin hay’ado, balse wuxuu xusay in ay gargaarka ay bixiyaan uusan ahayn mid kaafin kara baahida dadka ku dhibaateeysan gudaha degmada iyo daafaheeda.
Daafeet.Com