Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadahooda aqoonsi ka guddoomay safiirrada dalalka Swedan iyo Netherlands ay u soo dirsadeen Soomaaliya.
Madaxweynaha oo ay wehellisay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa safiirrada ku qaabilay xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.
Mikael Lindvall ayaa noqonaya safiirka dowladda Sweden ee Soomaaliya, halka Joost Reintjes uu noqonayo danjiraha dowladda Netherlands u qaabilsan Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan ayaa labada safiir ku boorriyay inay ka qeyb-qaataan taageeradda siyaasadeed ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Daafeet.Com