Madaxweynaha Dowlada Federla Xasan Sheekh oo cambaareeyey Qarixii ka dhacay Magalada Boston

0
42

xasanMadaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Boston ee Dalka Mareykanka oo ay ku dhinteen saddex qof, kuna dhaawacmeen in ka badan 140 qof.

Madaxweyne Xasan ayaa tacsi u diray qoyska iyo saaxiibbada dadku wax ku noqday qaraxyada.

Madaxweynaha ayaa fal fuleynimo ah oo argagaxiso ah ku tilmaamay qaraxyada, isagoo sheegay in lala beegsaday orodyahanno aan waxba galabsan iyo taageerayaashooda oo carruur ay ku jiraan.

Wuxuu sheegay in laga guuleysan doono kooxaha argagaxisada ee rabshadaha u adeegsada sidii ay ujeedkooda ugu gaari lahaayeen.

Daafeet.Com