Dhegayso..Maxamed Cabdi Gandi "Odayaasha Dhaqanka beesha Ogaadeen awalba Macmal ayay ahaayeen"

0
63

guwShirka mala-awaalka ah ee maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo oo maamlihii lasoo dhaafay hakad ugu jiray culays Siyaasadeed,Dhaqaale iyo Milatari soo wajahay awgeed ayaa ugu danbayn maanta maqalka Shacabka dib ugu soo noqday shirka ka dib kolkii Beesha Ogaadeen oo iyadu Maal iyo Muruqba isugu gaysay sidii ay maamul uga samaysan lahayd goboladaas sedexda ah ay dhexdeeda isku khilaaftay cidii meesha Madaxweyne ka noqon lahayd.

Hadaba kulan uu maalgeliyay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo ka dhacay Kismaayo ayna ka qayb galeen Odayaasha dhaqanka Ogaadeen oo isaga kala yimid Itoobiya,Keenya iyo Wadamo kale socdayna ku dhowaad todobaad ayaa waxay isla gorfeeyeen sidii sedexda musharax ee beesha Ogaadeen oo kala ah Axmed Madoobe,Shakuul iyo Gandi ay mid uga soo reebi lahaayeen ugu danbayna odayaashu isku raaceen in Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) uu noqdo musharaha madaxweyne-nimo ee beesha Ogaadeen.

Halkan ka dhegayso shirka Jaraa’id

shir

Go’aankan ay soo saareen dhaqanka Ogaadeen ayaa waxaa markiiba ka horyimid Maxamed Cabdi Gandi oo isagu markii horeba ka mid dadkii ay is hayeen Axmed Madoobe oo ilgaar ah ku hayay shirka iyo gacantii hoose ee uu ku lahaa Axmed madoobe.

Maxamed Cabdi Gandi oo la hadlay saxaafada maxaliga ah ayaa waxa uu sheegay in go’aanka odayaasha uusan ahayn mid cadaalad ah asagana ahaana uusan marnaba u hogaansami doonin maadaama Odayaashuba ay yihiin kuwo awalba iska macmal ahaa oo beeshu doonaysay inay beelaha kale isaga waabiso ee ma ahayn in beesha dhexdeeda lagu isticmaalo ayuu sii raaciyay.

Halka Ibrahiim Shakuulna uu ka gaabsaday inuu wax ka yirahdo Go’aanki ka soo baxay odayaasha beesha Ogaadeen waxaana uu sii labo jibaaray Olaolahiisa doorashada asago xooga saraya in u noqdo Musharax ka madax banaan awooda Odayaasha Beesha Ogaadeen.

Halkan ka dhegay jawaabta Shakul

shukul

Si kasta oo loo dhigaba tani ayaa waxay beesha Ogaadeen la dultagaysaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee lahayd “Labadii xaq daro ku heshiisaa xaqay ku dagaalaan”.