Dowlada mareyka oo sheegtey in Alshabab ey ka ciribtiri doonto dalka Somaliya

0
41

UN-Drones-Sida ay qortay wakaalada wararka ee AP,xukuumada Washitong ayaa wacad ku martay inay ciribtiri doonto unugyada dagaalka ee ka jira wadamada Soomaaliya, Yemen iyo Libya,kuwaasi oo ay ku eedeeyeen inay xasilooni daro ay ku yihiin dhamaan wadamada dariska.

Maamulka Madaxweyne Brack Xuseen Obama,ayaa sheegay inay jiraan caqabadooyin badan oo dhanka ammaanka ah kana jira wadamada Soomaaliya,Libya iyo Yemen.

Brack Obama ayaa si gaar ah u xusay in haatan dagaalyanahada Al-shabaabka Soomaaliya ay u adeegsan doonaan Diyaaradaha aan cidi kaxeyn ee loo yaqaano (Dronesk),kuwaasi oo meelaha fog fog waxka basaasa.

Warbixinta ayaa intaasi waxay ku dareysa in dowlada Washiton ay ka walaacsan tahay ammaanka dalka iyo qatarta kooxaha ka soo horjeeda dowlada oo muujinaya awood ah inay wali ku xoogan yihiin Soomaaliya.

Daafeet.Com