madaxweynaha oo sheegey in ahmiyada koowaad la siin doono ilalinta Maxkamadaha Dalka

0
52

xasanWarsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ahmiyad la siinayo arimaha Garsoorka iyo baahida uu qabo,isagoona cadeeyay in hanjabaadaha dhanka ammaanka ah dhinac waliba ay ka jiraan,balse ahmiyad gooni ah siin doonaan ilaalinta Maxkamada dalka.

Waxaa kaloo lagu yiri warsaxaafadeedka”,waxaan haatan wajaheynaa caqabadooyin ka imaanaya Al-Shabaab,hada waxay ka baxeen furumaha hore ee dagaalka,waxayna ku milmeen shacabka,waana sababta fududeysay in weerarada ay sii socdaan,Amisom waxay leedahay waqti ay dalka kaga howlgaleyso ayna ku taageerayso ciidamadeena,waana in la qaadaaa talaabooyin looga hortago amaandarida xarumaha ugu muhiimsan ee dowlada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa weydiistay Hay’adaha ammaanka inay baaraan weerarkii Axadii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho,isagoona ku adkeeyay in la horkeeno cadaalada kuwii falkaasi ka danbeeyay.

Ugu danbeyntii Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay in hay’adaha ammaanka ay xil gooni ah iska saaraan dhamaan xarumaha dowlada kuwooda ugu muhiimsan oo laga yaabo in weerar caynkaani oo kale ay ka dhaci karaan.

Daafeet.Com