Turkiga oo sheegey in Hey'adahooda sii joogi doonan Dalka Somalia

0
56

turkish redDowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii socon doonaan howlaha gargaar ee ay kawaddo Soomaaliya kaddib markii Axaddii lasoo dhaafay lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay samafalayaal Turki ah oo ka tisranaa hay’adda bisha Case e Turkiga.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa lagu sheegay in hay’adaha samafalka ee Turkiga ay howlahooda gargaarka kasii wadayaan Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in saddex ka mid ah shaqaalaheeda ka tirsan ha’yada bisha cas e Turkiga oo loo yaqaan KIZILAY ay dhaawacyo kasoo gaareen qarax lala beegsaday gaarigooda oo marayay jidka taga garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo laba ka mid ah ay sheegtay in lagu sameeyay qalliino, halka mid kalena aanu qalliin u baahan.

Saddexda shaqaalaha Turkiga ah ee ku dhaawacmay weerarkaas ayaa waxay kala ahaayeen: Kenan Kongur, Murat Demirbaş iyo Fatih Çelik, waxanaa mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab oo ku tilmaantay inuu yahay farriin ay u dirayaan ajnabiga ku sugan Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo la hadlayay samafalayaasha Turkiga ah ee ku sugan Muqdisho ayaa ku boorriyay inay sii wadaan howlaha ay ku caawinayaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay inaysan waxba u dhimayn dhibaatooyinka ay waddo Al-shabaab.

Daafeet.Com