Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska oo xaley la kulmey Madaxweyne Siilaanyo

0
91

silanyoRaysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska ayaa xalay xafiiskiisa Number 10 Downing Street ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal ku jooga dalka Ingiriiska.

Kulanka oo ahaa kii ugu horreeyay oo si toos ah u dhex mara David Cameron iyo Siilaanyo ayay labada masuul waxay uga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirkooda, iskaashiga ammaanka iyo shirka May 7 ka dhici doona London.

David Cameron oo isna madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh ee ay Somaliland marwalba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labadan dhimac, ha noqoto dhanka ammaanka mandaqada geeska afrika iyo xiriirka caalamiga ahba.

Sidoo kale waxa uu ra’iisal wasaare David Camaron Madaxweynaha Maamulka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee Maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku nuux-nuuxsaday ra’iisal wasaaruhu in ay Somaliland faa’iido weyni ugu jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.

Daafeet.Com