Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u magacowday dalka Britain danjire cusub, kaasoo loo magacabay, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe), waxaana magacaabistiisa lagu ansixyay kulan ay golaha wasiirradu maanta yeesheen.
Danjirahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u magacowdo dalka Britain tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laabtan sano ka badan laga joogo.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in danjiraha sababaha loo magacabay ay ka mid tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Britain, iyadoo dowladda Britain ay horay u sheegtay inay daneynayso sidii ay u xoojin lahayd xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.
Xukuumadda Britain ayaa horay safiir ugu soo magacowday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu siiyay dhul ay ka dhisato safaarad, waxaana Britain ay sheegtay inay ciidammo gaar ah oo ilaaliya safaaraddeeda u soo diri doonto Muqdisho.
Daafeet.Com