Haddii aynu nahay Somaali, waxaan u baahanahay marka hore in aan ogaano taariikhdeena, haddii kale ismaqaban karno meel xun ayaa inoo dambeyneysaa. Aqoonyahannda soomaalidana waxaa looga baahanyahay in ay akhriyaan taariikhda dadlkooda,dadkooda, dhaqankooda, iyo wax soo saarkooda.
Aqoon yahanka Soomaaliyeed waxaa looga baahanyahay in uu wax cusub ku soo biiriyo ummaddiisa ee ma ahan in qof kale fikraddiisa ama qoraalkiisa uu dadka la soo hor istaago asiga uu sheeganayaa in uu wax fiican cususb keenay, sida prof. Gandi oo Azaaiya ku sheegay in ay tahay dhulka ogaadeenka dega. Prof. Maxamed Xaji Mukhtar oo ah taariikhyahan Soomliyeed, ayaa Azaaniya ku sheegay dhulka u dhaxeyo labada webi. Runtiina taariikhyahannada ayaa wax badan ka og markii laga hadlaayo taariikhda.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalmo ka hor, ka dhageystay idaacadaha Soomalida, khudbad oo jeediyey Prof. Axmed Ismaacil Samatar, dhammadkii bisha Maarso 2013 ee magaalda Seattle Washington, meel ay isugu yimidiin dad ka socda xisbigiisa Hiil Qaran.
Prof. Samatar ayaa khudbaddiisa waxaa uu ku furay ” Burburkii Qaranka Soomaaliyeed yaa ka dambeeyey”.Waa arrin fiican oo loo baahnaa in la isweydiiyo “yaa ka dambeeyey burburkii Soomaaliya?”
Prof.Samatar waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo heysta darajda ugu sarreysa ee waxbarashada. Waxbadana ka qoray Soomaaliya iyo weliba sameeyey cilmi baarisyo ku saabsan Soomaliya. Waxaan la yaabay, sida Prof. Samatar isaga dhigaayey in uu tala cusub uu u wado Soomalida. Asigoo shirkiisa ka sheegay dhowr qodob oo horey looga hadlay amaba loo qoray.Hadalla meesha uu ka sheegayna ma ahayn wax ku cusub Soomaalida dhexdeeda.
1. Prof. Samatar marka uu leeyahay ” Xamar waxaan ku soo arkay in madaxtinimada iska leyihiin kaliya Daarood iyo Hawiya”. Tani wax cusub ma’ahan, ma ogi Prof. Samatar meesha uu kaga maqnaa Soomalida. Arrintaan waxaa in muddo 40 sano ku dhow ka hadli jirey Prof. Maxamed Xaji Mukhtar oo weliba kaga hadlay difaaciddiisa (his PhD dissertation). ” Italian Somaliland from Trusteeship to independence” Al-Azhar university, Cairo 1983; iyo the ” The plight of Agro-Pastrol Society of Somalia” in Review of African Political Economy, No 70, 1996. Khudbaddii Prof. Mukhtar ka jeediyey Feb. 2011 Safari Restaurant Minneapolis, Minnesota. Qaamuuska Taariikhda Soomaliya oo qoray Prof. Mukhtar (2003) pp.63, 237. Burburkii Somaliya iyo goorta uu billowday. Pro. Mukhtar [YouTube]. Ma ogi waxa Prof. Samatar uu iskaga indha tiri jirey qoraalladii ama talooyinkii hortiisa loo sameeyey oo ku saabsanaayeen xukkun qeybsiga Soomaliya. Waxaan u maleynayaa in markii hore arrintaan aysan taaban jirin asiga iyo reerkiisaba oo hadda runta arkay markii sanadkii hore Muqdisho tagay, ugu dambeystiina noqday nin Gadabursi ah.
2. Prof. Samatar waxaa kale uu ka hadlay Dowlad goboleedyada oo soomalida ku waalatay, oona ku tilmaayey in ay wax fiican ahayn. Arrintaana ma aha wax dadka ku cusub. Waayo haddii dib loogu noqdo taariikhdeeda Soomaaliyeed, waxay na tusaysaa in ay horeyba u jireen dowlad goboleedyo, laakiin waa ay maldahnaayeen.Haddii aan soo qaadano waqtigii isticmaarkii ingiriiska 1941-1950, soomaliya oo dhan waxay ahayd afar gobol, kuna jireen Jabuuti, Soomaali Galbeed iyo NFD. Laga billaabo 1951-1960, Soomaaliya waxay noqotay lix goblol. Markii Soomaaliaya ay qaadatay xurnimada, waxay noqtay siddeed gobol, laba gobol oo woqooyi iyo lix gobol oo koonfur ah. Ka dib markii ay timid Dwoladdii miliyariga ahayd oo madaxweyna u ahaa Maxamed Siyaad, wuxuu ku soo daray 10 gobol oo ku saleysnaa qabiil, taasina oo loogu dan lahaa in dad dhulkooda lagu boobo ayda oo la isticmaalaayo maamulka dowliga ah. Marka dhibaatada waxay ahay mid soo taagneyd laga soo bilaabo markii xurriyadda la qaatay ilaa iyo manta. Marka arrintani dowlad gobaleedyada ah wax cusub kuma aha Soomaalida dhexdeeda, waayo 10kii gobool oo dowladdii militariga ku soo dartay oo markeedi horeba ku saleysnaa qabiil, ayaa manta midkasta raba in uu isku magacaabo dowlad goboleed. Arrimahaan ayaa horey si fiican wax uga sheegay Dr. Mohamed Mukhtar oo wareysi la yeelatay BBC da sanadkii 2009, wuxuuna ku tilmaamey in haddii aan la saxin khaladaadkii dowladihii hore sameeyeen ,in ay dhibaatada ka sii badnaan doonto.
3. Prof. Samatar ayaa waxaa kale oo ka hadlay in dadka Banaadiriga iyo Jareer weynaba ay ahaayeen amaba yihiin laf dhabarka Soomaaliya. rrintaan wey fiicnaan ahayd haddii qof aan Soomli ahayn oo hadda cilmi barista Soomaaliya ku cusb hadalkaasi dhihi lahaa. Prof.Samatar ma ahayn in uu hadalkaasi hadda meelaha kaga hadlo,waayo qof kasta oo Soomaali ah horey ayuu u ogaa in Banaadiriga iyo Jareerweyn ay yihiin dadka ugu shaqo badan, daacadsan uguna waddaniyada badan marka loo eego Soomaalida inteeda kale, Xisbiyada ugu waaweyn ee koonfurta , oo ay Soomalida ku faanto ,aasaasiyaashooda waxay ka yimideen inta u dhaxeyso labada webi Jubba Iyo Shabelle, Tusaale ahaan Adbukadir Sakhawadiin (SYL), Xaaji Maxamed Xuseen (SDU) iyo Xaaji Cabdullahi Bagadi (SDM). laakiin waxaa nasiib darro noqotay in ay noqdeen kuwo la isticmaalo kaliya, aana loo oggoleyn xuquuqdooda buuxda. Arrintaan ayaa Prof. Mukhtar kaga hadlay “The Emergence and Role of Political parties in the Inter-Reverine region of Somalia” in UFAHAMU, Vol. XVII, 1989 iyo kowo kaleba. Runtii waxaa kale oo jirtay in Dr. Mukhtar uu aasaasay urur aqoon yahanno, oo kulmiya dadka dhulkaasi dega, lana magac baxay ” The Inter-Revireine Sutdeis Association “oo la aasaasay 1993, iyo weliba Dr. Mukhtar wuxuu noqday madaxa qorayaasha (Chief Editor) Demenedung oo ahaa Jornaal ka hadla dadka dega dhulka labada webi.
4. Arrinta kale oo aan aad ula yaabay oo Prof. Samatar khudbaddiisa ku soo daray ayaa waxay ahad, in 4.5 nidaamka ah, wax burburiyey. Nidaamka 4.5 ka wuxuu yimid burburkii ka dib, marka asiga waxba ma burburinin . Prof. Samatar waxaa looga baahnaa in uu wax nooga sheego Soomaliya laga soo bilaabo Isticmaarkii ilaa iyo haddadaan la joogo,ee ma ahayn in uu wax nooga sheego 22 kan sano oo burburka jiro, oo weliba Somali Land iyo 4.5 farta ku fiiqay in ay ugu horreyso burburka Soomaaliya ku yimid.
Waxaana la dhihi karaa in Prof. Samatar uusan taariikhda soomaaliya akhrin ama uusan rabin in wax ka sheego. Marka aan soo qaadano qabiilka Prof. Samatar ka yimid Gadabursi ,waa qabiilada ugu yar yar ee Soomaaliya,lagu qiyaasaa inta Soomaaliya ka degta in kayar 2% markii loo fiiriyo Soomaliya oo dhan.
Sanadkii 1960kii ,markii Soomaliya ay qaadatay Calanka, dowladdii Madaxweyne Adan Cadde oo ahaa madax weyn Hawiye ah, ayaa Prof. Samatar Qabiilkiis Gadabursi helay xildhibaan barlamaan iyo Wasiir,aysan helin qabiilo waaweyn ee Soomaali ah. Waxaa ka mid ahaa wasiirkii waxbarashada Adan Issak,oo Gadabursaha qabiil ahaantooda u yaqaaniin aabahooda waxbarashada. Waayo Adan Issak waa ninkii Lafoole u dhisay Gadabursaha ,waayo inta ka baxday Jaamacadda lafoole badankooda Gadabursi ayay ahaayeen, laga yaabaa in Prof. Samatar laftirkiisa ka mid yahay ardayda ka baxday Lafoole. Marka aan soo qaadano dowladdii madaxda u ahaa Maxamed Siyaad,oo ahaa daarood, 25 kii dowladdii militariga dhaliyey mid ka mid ah wuxuu ahaa Gadabursi, Muuse Rabile Good. Maxamed Siyaad wuxuu u sameeyey Gadabuursaha, Gobolka Awdal oo manta Gadabursiga sheegtaan in ay leeyihiin. Taliya yaasha iyo saraakiisha nabadsugidda Soomaaliya waagaasi badankooda Gadabursi ayey ahaayeen, waxaana ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland Riyaale. Markii la isu barbar dhigo Qabiilka Gadabursi iyo Jareerweyne, Gadabursi wuxuu ka yaryahay Soomaaliya in ka yar 2% Jareerweynana waa 15%. Jareerweeyne Weligooda Dowladdihii Hawiyaha iyo tii daaroodkaba wax kuma lahayn, waxaa u soo dhowaa tii Maxamed Siyaad oo ilaa 3dex xildhibaan golaha shacbiga ku yeesheen kaliya.
Prof. Samatar ayaa khudbaddiisa ku dhaliilay dowladda cusub lix bil jirsatay oo Xasan Sheekh madaxweynaha ka yahay,wuxuuna yiri “dowladdan waxba ma beddelin, kuwii hore ku meelgaar ahaana waxaba ma dhaanto”. Waxaa meesha ka cad in Prof. Samatar marka uu iska waayey dowladda, uu billabay dhaliil ku aadan dowladda cusub.Waxaan u maleynayaa in dowladdaani ay tahay tan kaliya isku dayday in ay caddaalad sax ah ka dhexsameyso Soomaalida, dadk xuquuqdooda weysanaana si buuxda oo caddaalad ku dhisan ay xukkunkana ula qeybsadaan soomaalida kale , tusaale ahaan dadka ugu badan soomaalida tira ahaan, loona yaqaano “Minority”, iyo dumarkaba oo ay heleen kaalintooda buuxda sida Soomaalida kale. Jareer weyne labadii dowladood oo ka horreeyey dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh,ma aysan laheyn Safiirro, Saraakiil sarsare, Wasiirro, Wasiir kuxigeenno iyo Agaasime guud meesha ay Prof. Samatar reerkiisa Gadabursi ku la haayeen wax badan. Waxaan aad iyo aad uga xumahay in Prof. Samatar uusan ka hadlin markii reerkiisa Gadabursaha ay cadaala darrada wax kaga heli jireen maamuladii burburka ka hor soo jiray, oo weliba Prof. Samatar rabay in uu madaxweynaha Soomaaliya noqdo, kuna tagay magaalada Muqdisho, wakiil matala Qabiilkiisa Gadabursaha ee barlamnaaka Soomaaliyeed. Waana wax fool xun, Qof aqoon yahan ah,oo weligiisa sheegan jiray Waddaninimo, shirarka ka heesi jiray heesaha waddan jaceylka ah, si uu wax u noqdo qabiil sheegtay,weliba Jiffadiisa hoose wax ku helay. Marka yaa la aaminaa?. Ma manta,markii uu xamar tagay oo runta la soo taabsiyey miyuu Cadaala darrada Soo ogaadey ama xasuustay?.Waxaan u maleynayaa in weli wax laga qaban karo arrimaha Soomaaliya, waa haddii qof kasta runta ka sheego dhulmiga dadkiisa wadaan, asigana ku dhaqmo caddaalad.
Ugu dambeystii waxaan leeyahay Soomaliya waxa burburiyey waa caddaalad darradii ka jirtay waddanka.
Mohamed Axmed