Wafdi heer sare ah oo ka socda Midowga Yurub ayaa maanta (Khamiis) gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Wafdiga oo ay hoggaamineyso agaasimaha Midowga Yurub u qaabilsan horumarinta iyo iskaashiga dalalka ka hooseeya Saxaraha, Farancesca Mosca ayaa kulan la qaatay madaxda maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka.
Wafdiga Midowga Yurub oo horey u soo maray magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ayaa u kuurgalaya xaaladda bini’aadannimo ee gobolka Baay.
Guddoomiyaha gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow oo la hadlay warbaahinta kulanka kaddib ayaa sheegay inay wafdi Midowga Yurub u gudbiyeen warbixin ku saabsan xaaladda bini’aadannimo ee gobolka.
Daafeet.Com