Dad lagu laayey Hotel Kwa Chege oo ku yaala Magaalada Gaarisa

0
75

garisaKoox hubaysan ayaa xalay sagaal qof toogasho ku dhisay magaalada Gaarisa ee xarunta u ah gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

Ragga hubaysan ayaa weeraray Hotel Kwa Chege oo ku yaalla waddada Masjidka Jameeca, waxayna ku fureen rasaas iyagoo adegsanayay qoriga AK47. Lix qof ayaa isla goobta ku geeriyootay, halka saddex kalena ay mar dambe dhaawacyadii gaaray u geeriyoodeen.

Wargayska The Standard ee Kenya ka soo baxa ayaa saraakiisha bilayska ka soo xigtay in raggii hubaysnaa oo aan la aqoonsan ay goobta durba ka baxsadeen.

Ciidamada bilayska ayaa illaa xalay waday howlgallo lagu baadi-goobayo dambiileyaashii weerarka gasytay.

Daafeet.Com