“Madaxweynoow Marka Maxay Halaysay!!!!

0
226

markaaMarka hore waxaan  Salaamayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somaaliya Mudane DR Xassan Sheekh Maxamuud”  & Umadda Somaaliyeed Meel walbo oo ay joogaan , waan idin wada salaamay,ASCW/W

Mudane Madaxweyne Waxaan jeclaan lahaa in aan wax Kaa dhaho ama Tallo  kaa siiyo Gobolka Shabeelada Hoose,Muddane Madaxweyne hana uqaadanin  in aan Talada Gobolka aan kaa leeyahay ama aan kaa mudanahay, adigaa ah Hogaamiyaha wadankeena lakiin waxaan nahay shacabkaada wanaagsan, ee wanaaga kula jecel.

Mudane Madaxweyne waxaan kaloo ku xusuusinayaa Aniga oo ah Qofka soo qoray Qor-madaan  Ma udhalan Gobolka Shabeelada Hoose, Balse waan ku Dhashay .

Jaalle Madaxweyne inta aanan Dulucdayda  & Tallo siintayda aan uguda galin aan xoogaa kuu sharxo Gobolka & ax-waashiisa inta aan ka ogahay,Gobolka waxaa uu ka koobanyahay  7 Degmo oo Dowladii dhexe ee Siyaad Bare ay Samaysay  Burburkii ka hor,  Degmooyinka Gobolka waa sidan Marko,Afgooye, Wan-laweyn,Baraawe, Sablaale, Kurtunwaaray, & Qoryooleey, waxaana hoosyimaado Tuulooyin aad ufara badan oo kor u dhaafay ilaa 67 tuulo,

Gobolka Shabeelada Hoose laga soo bilaabo sanadkii 1896  ilaa maanta oo aan joogno 2013 Gobolka Maamulo & Marxalado kala duwan ayuu soo maray,Marxaladahaas & Maamuladaas oo aan Qayb- Qayb usoo kala qaadi doono.

Maamulkii ugu horeeyay waxaa usoo Magacaabay Dowladii  Talyaaniga”  waxayna usoo Magacawday   Rag Talyaani ah.Sida Carlo enberi, oo dadka Degaaka ay uyaqaaneen Gaalooti.

Waxaa xigay Dowladii ADANCADE” Allaha unaxriistee waxay ku socotay wadadii uu jeexay Maamulkii ka horeeyay ee Talyaaniga,  waxba kama aysan qaban, waxaa xigay Dowladii Cabirashiid Cali” Allaha unaxariistee waxba kama uu qaban wadadii Talyaaniga jeexay ayuu Maray.

Dowladii Siyaad” ayaa ku xigtay  wax qabasho warkeed iska daayee wayba ka sii dartay, Bal arag siday wax umaamushay Dowladii Siyaad” Magaalada Marko & Gobolka  waxay keentay Rag xitaa aan maalina  arkin magaalada  Marko” & Dadkeedaba, waxaana  ka mid ahaa Dadkii xaqdarada loo keenay Gobolka & Magaalada Marko”

1-Dhiig sukeeye  Gudoomiya Degamada  Marko @ Mariixaan

2-Saciid Bile aadan  Gudoomiyaha Gobolka  @ ISAAQ

3-Hassan Hussein Boorki Gudoomiya Degamada MARKO  @ Xawaadle

4-Muuse afeey  Gudoomiya Degamada MARKO @ ABGAAL

5-Nuur Taalkillo Maamulha wakaalada Biyaha Gobolka @ Mariixaan

6- Nuur bidaar Maamulaha Dugsiga sare ee Sayid maxamad cabdule xassan  @  Habargidir

7-Maxamad Sulub  Gudoomiyaha Degamada Marko @ Dhulbahante

8-Saciid Caano Geel Gudoomiyaha Gobolka  @ Mariixaan

9-Cabdalla Gusweyne Gudoomiye Gobolka & Degmada  @ Carab

10-Shanfool  Taliyaha Ciidanka Asluubta Gobolka  @ Mareexaan

11- Muuse Ducaale Taliyaha  xabsiga Magaalada Marko  @  Isaaq

12- Nuur Faarax Booq  Gudoomiyaha wax barshada Gobolka  @ Gudubiirsi

13-Abshir Faarax Gudoomiya Degmada Marko @ Habargidir

14-Cabdi Casiis  Gudoomiya wax barshada Degamada @ Habargidir

15-Muuse Garweyne wax barashada Gobolka & Degmada Marko @Isaaq

16-Maxamad Cali xaafuuni  Maamulaha shirkada Caymiska Qaran Degamada Marko @ Dhulbahante

17-SACIID Mohamed Maamulha Bangiga Degmada Marko @ Majeerteen

18-Ali Nuur Maamulaha Boostada & isgaarsiinta Gobolka & Degmada Marko  @Xawaadle

19-Maamulaha Dekada  Marko & Enta Banaane  Ina Faarax Guuleed @ Majeerteen

20-Maamulaha Enta Bartuwaale Cali ismaciil@ Laylakase

21-Maamulaha RGB  Hassan @ Mariixaan

22-Maamulaha Mashruuca abuurbadinta Ismaan Looxoow @  Abagaal

23-Maamualha mashruuca Fidinta beeraha Maxamad Abuukar@ Carab

24-

 

Cabdiqaadir saciid Maamulaha Gisoma  @ Mariixan

25-Bashiir Maamulaha LIBSOMA Golweyn @Habargidir Sacad

26- Bille Maamulaha Saliini @Habargidir

27-Malaas Gudoomiyaha Wasaarada xanaanada xoolaha dhirta & Daaqa @ Majeerteen

28- Abshir Guulwadayaasha @Shiikhaal

29-Cilmi  Mohamed Nabsugida Degamada@ Dhulbahante

30- Cabdirisaaq Maamulaha Dugsiga sare Awcismaan @dhulbahante

31-

DR Yuusuf xaaji Bood Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka @Abgaal waceesle

32-

DR –Mohamed iskuduwaha wasaarada caafimaadka  @Majeerteen

33-DR Nuur Ducaale Maamulaha cisbitaalka Magaalada Marko @Baadicade

34-Ardo Faarax Gudoomiyaha ururka haweenka Somaaliyeed @ Habargidir

35-Ibaraahin Mahamud Ganeey Maamula ONOD SHALAANBOOD @ Abgaal

36-Geedi sheekhoow Maamulaha Bacaadcelinta Shalaanbood @ Abgaal

37-Hassan ali Maamulaha Madbacada Magaalada Marko @ Dir

38-Basar Maamula xooga korontada Degamada  @Gibilcad/Duruqbe

39- Diiriya Dhabareey Gudoomiyaha iskaashatooyinka Gobolka @Mariixaan

Dowladii Dhexe ee Siyaad Bare Markii ay dhacday waxaa si ku meel gaar ah   uyimid Mudane CALI MAHDI MAHAMAD isagana Gobolka  dulmigii ka jiray waxba kama qaban .

Dagaalkii Cali & Caydiid  waxaa uu Gobolka Gacanta ugalay Maleeshiyaadkii uu hogaaminaayay Caydiid kuwaasi oo Gobolka waxay doonaan ka sameeyay ilaa ay Biyaha Webiga Dadka Gobolka ay ka iibiyaan!!!!, & Tacadiyo aan lasoo koobi Karin ayay ka sameeyeen Gobolka & Degmooyinkiisa.

Waxaa xigay Dowladii Cabdiqaasim waa tii ugu cadaalada xumeeyd ee soo marta Gobolka & Degmadaba sababtoo ah Gobolka oo dhan waxa uu uqaybiyay Jufooyinka Ceyr bal nala arag sida Cabdi Qaasim Jufooyinka Beesha Ceyr ugu qaybiyay Gobolka

1-Yuusuf siyaad indhacade Gudoomiya Degamada MARKO@Ceyr Habar eji

2-Cabdulaahi Dhuxuloow Gudoomiyaha Degmada Baraawe @ Ceyr Cabsiye xasanleey

3-Cirfo  Gudoomiyahay Degmada Aafgooye @ Ceyr

Afarta Degmo ee hartayna waxay ay hoos imaanayeen Indha cade oo usii dhiibtay wiilal uu adeer uyahay  iyadoo lawada ogaa tacadiyadii ka dhacay Gobolka oo aan la ilaabi Karin  Liiska Dadkii Tacadiyada ka geestay Gobolkana  waa mid Qoran oo waqtigeedii Lala sugayo .

Dowladda Federaalka Somaaliya Dulmigii waxba kama qaban oo weli waa sidiisii  Bal iyadana   Liiska ay Gobolka usoo magacaawday waa sidaan, Madaxweynoow” hadii aad ogatahay iyo hadii kale !!!!

1- C/qaadir Sh. Maxamed Nuur@Garre/ Digil @Guddoomiyaha Gobalka

2- C/laahi Muuse Abuukar@ Biyamaal@Guddoomiye kuxigeenka Siyaasadda

3- Axmad Cumar Maxfd@Ceyr, H/gidir, @Guddoomiye kuxigeenka Nabadgelyada

4- C/fataax C/lahi Yuusuf@5-ta Calemood/Digil  @Guddoomiye kuxigeenka Dhaqaalaha

5- Cumar Maxfud Cilmi@Murusade/ @Guddoomiye kuxigeenka arrimaha Bulshada

6- Yuusuf Maxfd Cabdi@Ceyr, H/gidir@Guddoomiyaha Samafalka Gobalka

7- Cusmaan Maxamuud@Abgaal@Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Samafalka Gobalka

8- C/laahi Daahir@Murusade@Guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Samafalka Gobalka

9- C/laahi Cabdi Cumar@Wacdaan@Xoghayaha Gobalka
10- C/laahi Cabdi Faarax@Ceyr, H/gidir@ Agaasimaha Dhulbixinta Gobalka
11- Ikraam Axmad Gacal@Murusade@Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka

12- C/naasir Diini Raage@Ceyr, H/gidir@isuduwaha Wasaarada Maaliyadda ee Gobalka

Gobolka Shabeelaha Hoose Magaalo Madaxdiisa Marko, laga soo bilaabo 1896 ilaa 2013 Dadkii Madax ka soo noqday Gobolka  Labo nin oo kaliya  ayaa  udhashay Gobolka oo kaliya  Ragii soo Maray Gobolka

1- CISMAAN ITOOBIYA Duqa Magaalada Marko @BIYAMAAL

2-MAXAMAD SHEEKH MUKHTAAR SHEIKH CALI MAYE (SHEIKH MAD) Ku xigeenka Duqa Magaalada Marko @DURUQBE/GIBIL CAD BANADIRI

Ruux sadexaad lama haayo waana nasiibdaro & cadaalo daro ku habsatay Gobolka shabeelada Hoose & Magaalo Madaxdiisa Marko”

NB: Mudane Madaxweynoow weligaa  ma aragtay ama ma maqashay ruux udhashya Gobolka Shabeelaha Hoose oo jago ka doonanaayo Gobolada Dhexe ama Bari & meelo kaleba!!!

Dadka Gobolka udhashay  Sida Biyamaal, Digil & Mirifle, Jareer,Gibilcad, Mudane Madaxweyne Markii ay Dowladaada dhalatay waxay kaa filanayeen Dadka Gobolka in  aad cadaalad  & sinaan aad soo gaarsiin doonto  Gobolka oo ay Taariikh kuu noqon doonto, & in aad noqoto Ruuxii ugu horeeyay ee Gobolka Dadkiisa xaqooda siiya, welina way kaa sugayaan Dadka Gobolkab xaqooda.

TALLO: DADKA GOBOLKA udhashay

Qaasatan Beesha Biyamaal  waxaan idin sheegaa dhaliishiina si aad uga faa’iidaysataan, Aqoon yahankii xigmada  badnaa ee Sha-kisbiir waxa uu yiri  Qofkii dhaliishaada kuu sheego waxa uu ku Tusiyay wadadii  Guusha aad ku gaari lahayd.

1-Koow

Biyamaal waxaad iska ilaalisaan in aad noqotaan kaligiis noolaadayaal sida Geedka Raanboowga ama Cali Garoobka sida loo yaqaanaba, ee ah Geed kaligiisa noolaado, oo aan geedo kale  ka soo hoos bixi Karin.Ogolaada  in dadka idinla noolaadaan wax qaybsina yeesha.

2-Tariikhiidii hore ee ahayd “Intoo Axmed ,Intoo askar Ibiyaale intee la aadaa” hadii aad Taladiina aad ka dhigtaana waxay noqoysaa in Dadka oo dhan idin nacaan,  Qofkastoo Biyamaal ahna waa uu yaqanaa hadalkaan sarbeebta ah, iyo xiliga ay dhacday arinkaan oo kale  yaysan soo noqonin mar kale

3-Xaasid nimada Taalo Gudihiina & Dibada iska dhaafa

4-Gobolka waxaan idinla degan dad badan oo Somaali ah  xaqooda siiya  weliba qaar waad yastaan oo yasitaanka ka joojiya sida Jareeta, Gobolka jareer faro badan ayaa degan oo marka aad Fiiriso Afarta waab Dhoobeey jareerta joogto way idinku laba-laabantaa waadna yastaan inta aad jareer yasaysaana idinka xaqiina waa uu maqnaayaa, waana qaacida jirto

5- Biyamaaloow  Noqda Dad martidooda dhowro,  si idinkana lay-din dhowro.

6   Sidii hore oo  kale yaysan dhicin ee ahayd  ( NINKII SARTA FUULA SULDAAN CALI WAAYEYE NINKII DHULKA JOOGO ADOONKIISI WAAYE )

Biyamaal  Degamada Marko  wada dhexmarto ee ugu caansan ee loo yaqaano Via Wajeer waxaa dhisay Abshir Faarax Kaahiye , oo dhalasho ahaan ka soo jeedo Gobolada dhexe,Halka Cismaan Itoobiya oo udhashay Gobolka uusan waxba ka qaban lakiin uu kawaan yar kadhisay xaafada Buulo Jaan, oo Biyamaalka halka xaafad ay ka deganyihiin uun dhisay bal  fiiriya labadaan wax  qabadkooda, Dadka waxa  wanaagsan qabto looma eego halka uu ka soo jeedo balse wanaaga  qofka keeno ayaa Gobolka uwanaagsan mar walbo

TALLO  Dadka Somalida ah  ee gobolka Degan

Somali Faro badan ayaa degan Gobolka & Degmooyinkiisa  oo ku leh hanti fara badan sida Beero iyo Guryo aan la soo koobi Karin, Dadkaas  waxaan kula Talinayaa marka hore si Gobolka nabad unoqdo dadka gobolka ku soo duulay ee ka yimid Gobolada Dhexe ee aad dhalashada wadaagtaan  yaysan sumaciina ku ciyaarin oo yaan Gardarada iyo Tacadiyada lagu taageerin

Waan in aad usheegtaan in uusan dadka Boobin Dhicin, Dilin  si nabad ah uu ku joogo Gobolka isagoo tixgelinaayo Dadka Gobolka udhashay si uu uhelo isagana tixgelintiisa gaarka ah.

Waa in aad Gobalka Taladiisa dadkiisa udaysaan hadii  aad sidaas samysaan waxaa imaanayso in aad heshaan mudnaan gaar ah oo lagu siiyo, xubin sharafeed xaq ah oo qurux badan inta aad raadin lahayd waxaadan xaq ulahayn Marti wax  Maamulayso yaan la noqonin

Tallo : Dowlada Federaalka ah

Gobolka  usoo celiya cadaaladiisa   waxaa jiro dad ka yimid meelo kale balse sheegto dhasho ahaan Gobolka taas waa qaladka ugu horeeyo  ee dhaco

Gobolka   udhiiba maamulkiisa qof udhashay oo ka soo ejeedo aqoona leh

Waxaa jiro dad Afmaal ah  oo Magac Direed wax ku qaato  waa in taas aad loo eegaa waa qaladka ugu weyn ee jiro hadda

Gobolka Biyamaal kaligiisa ma degano waxaa degan oo xaq uleh Digil & Mirifle, Jareer, 12 ka koofi Gibilcad ,Biyamaalna yuusan afka udhiganin xaqa dadka kale iyadana in hoos loola socdo ayaa muhiim ah.

Beesha JIIDO waa qolada ugu sabarka badan Gobolka  Magaalooyinka & Tuulooyinka sida Qoryooley, Sablaale,Kurtunwaareey,Dacaaraha, Suldaankooda saxa ah  waa in lala xiriiraa kuwo been abuur ah ayaa jiro oo ku qaraabto iyagana halala socdo.

Dowlada waa in ay casuuntaa  Sulaadiinta & Odaydhaqameedyada sax ah ee beelaha Gobolka wada dego si xaq ahna wax ugu qaybiyaa, iyadoo casuumada loo dhiibaayo Suldaanka ugu Curudsan.

Gogoshana waa in laga  dhigaa Magaalada Marko,

Ciidanka joogo waa in dib u eegis Guud lagu sameeyo waa in  loo wada qaybiyaa beelaha dhan ee degan Gobolka si amniga loo wada sugo.

NB: Mudane Madaxweynoow weligaa  ma aragtay ama ma maqashay ruux udhashya Gobolka Shabeelaha Hoose oo jago ka doonanaayo Gobolada Dhexe ama Bari & meelo kaleba!!!

Dadka Gobolka udhashay  Sida Biyamaal, Digil & Mirifle, Jareer,Gibilcad, Mudane Madaxweyne Markii ay Dowladaada dhalatay waxay kaa filanayeen Dadka Gobolka in  aad cadaalad  & sinaan aad soo gaarsiin doonto  Gobolka  ayna Taariikh kuu noqon doonto, & in aad noqoto Ruuxii ugu horeeyay ee Gobalka Dadkiisa xaqooda siiya, welina way kaa sugayaan Dadka Gobolkab xaqooda

Mahadsanid Mudane Madaxweyne

Qoraa sare oo ka mid ah Qorayaashii XIDIGTA OKTOOWBAR

H,A,MOHAMED ADKEESTE adkeeste@hotmail.com