Maamulka Raaskambooni iyo Wefdi ka socdo Igad oo ku shirey Garoonka diyaradaha ee Magalada Kismanyo

0
60

igadWafdi ka socday urur-goboleedka IGAD ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay kulan kula qaateen maamulka KMG ah ee magaalada iyo 50 ka tirsan odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galaya shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Kulanka oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa ahaa mid ay saddexda dhinac uga wada hadleen hannaanka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo khilaafka ka jira maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo iyo sidii loo dardar gelin lahaa shirka ka socda magaalada Kismaayo.

Dowladda federaalka iyo maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa ku kala aragti duwan hannaanka uu u socdo shirka maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka iyo Gedo taasoo dhalisay in uu khilaaf soo kala dhex galo labada dhinac.

Daafeet.Com