Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa amar ku siiyay madaxda ugu sarreysa ammaanka ee dalka in ay sameeyaan baaritaan rasmi ah oo ballaaran oo ku aaddan weerarrada iyo dilalka ka dhacay magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya.
War qoraal ah ayuu madaxweynaha amar ku siiyay xog-hayaha joogtada ah ee ammaanka gudaha Mutea Iringo, madaxa booliska David Kimaiyo, madaxa CID-da Ndegwa Muhoro iyo agaasimaha NIS-sta Michael Gichangi inay isla maanta u ambabaxaan magaalada Gaarisa, kana sal-gaaraan dilalka sii kordhaya ee ka dhacaya magaalada Gaarisa.
Uhuru Kenyatta ayaa madaxda ammaanka ka dalbaday inay isla maalinta Isniinta ee foodda naga soo haysa u soo gudbiyaan warbixin faahfaahsan oo ku saabsan weerarrada, isagoo waydiistay saraakiisha ammaanka inay qaadaan tallaabo deg-deg ah oo lagu ogaanayo dambiilayaasha ka howlgala Gaarisa iyo xeryaha qaxootiga ee ka dambeeya falalka ammaan darrada ah.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday madaxda gobolka waqooyi bari inay ka caawiyaan laammaha ammaanka howlgalka ballaaran ee billaaban doona si xal looga gaaro dhibaatada la xiriirta ammaan darrada.
Daafeet.Com