Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray magaalada Baxar-daar ee dalka Itoobiya ayaa uga qaybgalaya halkaas furitaanka shirka Tana Forum ee looga hadlayo ammaanka Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa amniga ee Qaaradda Afrika iyo sidii looga hortagi lahaa amni-daradda ka taagan Qaaradda, gaar ahaan dalalka ay colaaduhu ka jiraan weli oo ay ku jirto Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu wadaa inuu qudbad ku saabsan arrimaha ammaanka Soomaaliya uu ka jeediyo shirka, kaasoo ay isugu iman doonaan madaxda dalalka Afrika iyo hay’adaha daneeyo amaanka.
Daafeet.Com