Reysulwasarha iyo Wasiiro ka tirsan Xukumadiisa oo maanta lagu wado iney hor tagaan Baarlamaanka

0
107

Shirdoon-RW1Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo xubno ka mid ah golihiis wasiirrada ayaa hortagaya maanta golaha baarlamaanka Soomaaliya halkaasoo su’aalo lagu weydiin doono.

Wasiirrada wehlinaya ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah: wasiirka arrimaha gudaha, ganacsiga iyo warshadaha, khayraadka dalka, garsoorka, cadaaladda iyo arrimaha diinta iyo wasiir ku xigeenno ka socda wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta.

Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu horay ugu wargeliyay ra’iisul wasaare Saacid inuu baarlamaanka ku horyimaado 20-ka Abriil oo maanta ku beegan, iyadoo horay loogu yeeray wasiirka arrimaha gudaha balse ma uusan tegin.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaanahan wuxuu ka hadlayay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, gaar ahaan dad lagala baxay xabsiyada Muqdisho oo la dilay maydadkoodana la dhigay waddooyinka Muqdisho.

Waa markii labad oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo xukuumaddiisu ay hortagaan baarlamaanka tan iyo markii la dhisay xukuumadda dhammaadkii sannadkii hore, iyadoo guddoonka baarlamaanka ay arrintan ku tilmaameen mid xoojinaysa wadashaqeynta baarlamaanka iyo xukuumadda.

Daafeet.Com