Qaraxyo xoogan oo isxigay ayaa maanta lagu weeraray gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo marayey degaano u dhexeeya Buufow iyo Janaale oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxyadan loo adeegsaday miinooyin wadada lagu aasay oo meelo fog laga hagayey, iyadoo ciidamada AMISOM ay fureen qaraxyada ka dib rasaas fara badan oo ay hareeraha u rideen.
Daqiiqado ka dib ayaa waxaa goobtaas soo buuxiyey ciidamo fara badan oo AMISOM ka tirsan kuwaasoo howlgalo baaritaan ah sameeyey inkastoo aan la sheegin dad ay u soo xireen qaraxyadaas lala beegsaday.
Si aynu wax badan uga ogaano ayaa Wariyeheenu waxa uu la xiriiray Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha hoose Cabdulqaadir Siidii
Halkan ka dhegayso