Maxamed Abdi Kaliil Gudoomiyaha gobolka Gedo ee dowlada Fedraalka Soomaaliya oo maanta waraysi siiyay Wadajirradio ayaa sheegay in Axmed Madoobe iyo Shakuul ay yihiin kuwii horayba u hurin jiray dagaalada dalka halakeeyay oo labadooduna ay ONLF yihiin misna ay weli aaminsan yihiin Xaqjirnimada misna ay riyoonayaan oo ay rabaan dhul dad leeyahay inay si sahlan ku qaataan.
Maxamed Abdi Kaliil ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay haday sheekadu sidaan ku sii socoto in aan la hurayn in Kismaayo dib loo xoreeyo ayna taa ka qaybqaadan doonaa.
Halkan ka dhegayso