Dhegayso…Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

0
49

xasanMadaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud iyo wafdi la socday ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya uga soo qeyb-galleen shir looga hadllayay amniga qaarada Africa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada golle oo ay ka mid ahaayeen oo ay ka mid ahaayeen ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Ra’iisal wasaare ku-xigeen ahna wasiirrka wasaarrada arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ahayd xubnihii la socday madaxweynaha, waxaa ay si kooban ula hadashay warbaahinta oo faah faahin ka siisay socdaalkoodii Itoobiya.

Shirka ku soo dhamaday magaalada Bahar Dar ayaa ahaa shir ka qeyb-galleen madax ka socotay qaarada Africa, waxaana qudbad ka jeediyay madaxweyne Xassan Sheekh Max’uud oo ku dheeraaday amniga Qaarada.

Halkan ka dhegayso

Maxamed

Daafeet.Com