Madaxweynihii dowladdii ugu dambeysay ee ku-meel-gaarka aheyd, Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay galinkii dambe kula kulmay magaalada Boston jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaaladaas.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu deeq waxbarasho ka helay Xarunta Madaxweynayaasha Afrika ee ka tirsan Jamaacadda Boston (The African Presidential Center -APC – at Boston University) oo uu ka baranayo cilmiga diblomaasiyadda iyo nabad-gelyada.
Shariif ayaa rajo ka muujiyey in waqti aan fogeyn si buuxda looga guuleysan doono kooxda al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda iyo AMISOM, isagoo xusay in dagaalka al-Shabaab uusan ahayn mid diimeed, balse uu yahay mid ay rabto inay ku baabi’iso ummadda Soomaaliyeed.
Isagoo ka jawaabay damaciisa siyaasadeed, Shariif wuxuu sheegay in weli yahay qof da’ yar, ayna jiraan waddooyin kale oo loo shaqeysan karo.
Isagoo ka jawaabay su’aal la xiriirtay dastuurka iyo federaalka, wuxuu sheegay in dastuurka uu noqon doono mid rasmi ah xilliga shacabka Soomaaliyeed ay ansixiyaan.
Wuxuu ku taliyay in nidaamka federaalka la qaato muddo toban sano ah, iyadoo wixii muddadaas ka dambeeya haddii Soomaalidu ay ku wada qanacdo la sii isticmaalo, haddii kalena la sameeyo dowlad dhexe oo xooggan.
Daafeet.Com