Shir looga hadlaayo sidii lagu sugi lahaa amaanka Gobolka Bay ayaa lagu beryahan ka socdey magaalada beydhabo shirkaas looga soo horjeedo falal Burcadnimo oo ey sameynayaan Ciidamada Dowlada.
Shirkaas waxaa kasoo qeyb galey saraakiisha ciidamada Soomaaliya, saraakiisha ciidamada Itoobiya , mas’uuliyiinta Gobolka Bay iyo malaaqyada Digil iyo Mirifle oo beryahanba ku sugnaa degmada baydhabo.
Shirkan oo maanta la soo gebagebeeyay ayaa waxaa gunaanadkiisii ka qeybgalay Golaha Aqoonyahanada Koonfurta Soomaaliyeed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Rayidka sida Haweenka ,Culamaawaddinta Gobalka iyo Xildhibaano kusugnaa beryahan Magaalada baydhabo oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe.
Shirkaas waxaa ka hadlay sarkaalka ugu sarreeyo ee ciidamada Itoobiya oo la yiraahdo Johon isagoo wax lagu xumaado ku tilmaamay in ciidammo ay soo tababareen ay dhac u geystaan shacabkii ay difaaci lahaayeen, wuxuuna caddeeyay in aysan sii fiirsan doonin arrintaas ayna tallaabo qaadi doonaan berri laga billaabo.
waxaana shirka ugu dambeyntii laga soo saaray qodobo ay ka mid ahaayeen:
1.In ciidammada ku soo qulqulaya Magaalada Baydhabo dib loo celiyo, lana geeyo goobahii ay ku sugnaayeen, sidoo kalena ciddii ammar diido ciidan sameyso isla goobtaas lagu dilo.
2. Qofkii lagu arko fal ammaan darro keeni kara in laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.
3. In bartiisa lagu dilo qofkii fal burcadnimo ama Isbaaro iyo kufsi sameeyo.
Daafeet.Com