Wariye Maxamed Ibrahin Raage oo galabta lagu diley Degmada Dharkeenleey

0
49

RaageWaxaa galab degmadaDharkeenleey ee gobolka Banaadir lagu dilay allaha u naxariistee wariye Max’ed Ibraahim Raage oo ka tirsanaa wariyayaasha ka howlgala warbaahinta dowlada.

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado tiradooduna lagu sheegay labo ruux ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay dil u geysteen allaha u naxariiste wariye Max’ed Ibraahim Raage, waxaana la sheegayaa dilka kadib in ay goobta ka baxsadeen kooxihii dilka u geystay wariyaha.

Dilka wariye Max’ed Ibraahim Raage ayaa qeyb ka noqonaya dilalka loo geysto wariyayaasha ka howlgala Soomaaliya oo mudooyinkii dambe Soomaaliya ka noqday wax iska caadi ah oo aan wax la iska waydiin.

 

Daafeet.Com