Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa shalay kala wareegay kooxda al-Shabaab deegaanno hoos-taga degmada Xuddur ee gobolka Bakool kaddib dagaal dhex maray labada dhinac.
Guddoomiyaha degmada Xuddur Maxamed Macallin Axmed ayaa sheegey in ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaannada Garasweyne, Dumaale iyo Faraq oo masaafo dhan 50 km u jira degmada Xuddur.
Saraakiisha ciidanka dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay qorshe ciidanka dowladda ay dib ugula wareegi rabaan degmada Xuddur iyo qeybaha kale ee gobolka ay ka joogto maleeshiyada al-Shabaab.
Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dhabta ah ee uu geystey dagaalkan, Kooxda alshababna weli kama eysan hadlin dagaalka lagala wareegey deegaanadaas.
Daafeet.Com