Gaadiid fara badan oo ah kuwa xamuulka qaada oo ku kala wajahnaa gobollada Gedo iyo magaalooyin ka tirsan gobolka waqooyi bari ee Kenya ayaa waxey ku xayiran yihiin waddooyinka xiriiriya gobolka Gedo iyo deegaannada xudduudaha Kenya iyo Soomaaliya, taasina ay keeneen roobabka faraha badan ee halkaas ka da`ya.
In ka badan 80 gaari ayaa ku xarian halkaas muddo ka badan 15 cisho ayaa wada adeeg kala geddisan oo ay dadku u baahan yihiin sida raashin, dawooyin, dhar iyo waxyaabo kale oo daruuru u ah bani`aadamka, weliba kuwa deggan deegaanknada ku teedsan xuduudaha oo dekaduhu ay aad uga fog yihiin.
Halkan ka dhegayso warbixinta
Gaadiid sida shixnado ganacsi oo ay xannibeen Roobabka ka da’aya Bay iyo Gedo,wadajir