Dhegayso…Reer Muqdisho oo Cabsi iyo kala shaki la nool

0
51

muqdishoDadka reer Muqdisho oo iyagu soo maray 21 sanadood oo colaad sokeeye ah ayaa haatan waxay sugayeen inay helaan maamul hanta howsha dowladnimo keenana Amni iyo Amaan taa bedelkeedana waxaa dadka magaalada ku nooli ku jiraan marxalad aan ebed soo marin magaalada taasi oo ah Shaki mugweyn oo ruux walba uu ka qabo ruuxa kale
Cabsidan dadku kala qabo ayaa ah mid ku aadan qaraxyada iyo weerarada tira dhaafka noqday ee magaaladu maalin walba ka dhacaan ayadoo sidoo kalena haatan heegan buuxa ay ku jiraan ciidamada Amaanka dowlada Soomaaliya oo iyagu laftooda qayb ka ah kala shakiga Shacabka iyo Xarakada lafteeda oo sii laba jibaartay hanjabaadyada ay dowladu u jeedinayan.

Halkan ka dhegayso

Warbixin Maxamed Kaafi