Kadib kolkii kooxo ku midaysan fikir beeleed ku dhisan dhul boob oo gacan ka helayo dowlada Kenya ay ku dhiiradeen inay maamul Obosiiba ah ka dul dhistaan ummaddii deganayd gobolada Koonfurta dhaca ayaa haatan waxaa lasoo warinayaa in iyagii dhexdooda uu soo kala dhex galay khilaafyo aan xal lahayn.
Khilaaf yada la taaban karo ee maanta curyaaminta ku ah Shirka ayaa waxaa ka mid ah in beesha Ogaadeen ay la soo shirtagtay tuulada Salagle in ay tahay Degmo halka Mariixaana ay la soo shirtageen Ceel-Cade oo ka tirsan Gedo in ay tahay Dagmo waxaana wali xal laga garin ismari wagaas..
Arinka labaad ee ayadana Xasaasiga ah ayaa waxaay tahay Khilaafka u dhexeya musharaxiinta Ogaadeen ee kala ah Axmed Madoobe , Gandi iyo Shakuul oo mid kasta uu Warbaahinta ka sheegay inuusan u tanaasulidonin midka kale xili qaar ka mid ah odayaasha Ogaadeen ay Sheegen in cid aan Axmed Madoobe ahayn aysan matalin Beeshooda.
Dhanka kale waxaa laga cabsi qaba khilaaf midkaan la mid ah in uu ka dhex dhasho Beesha Mariixaan oo ayadu leh Musharaxiinta ugu badan ee u tagaan qabashada xilka Madaxweynaha
Maanta ayaa waxaa magaalada Kismaayo,gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Kismaayo la isugu geeyey Odoyaal ka badan ilaa 30 Xubnood oo ah Ergooyinka ka qeyb galaya shirka ka soconaya Kismaayo,iyadoo Ujeedaduna ay tahay sidii ay u soo xuli lahaayeen Ergooyinka 500 ee Dooran doona Madaxweyne.
Halkan ka dhegayso Warbixinta
Wararkii ugu dambeeyey jubbooyinka