Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntlad oo eedeyn usoo jeediyey Dowlada Turkiga

0
42

farooleMadaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ka hadlay caawinaad ay ka heleen dowladda Talyaaniga oo ugu deeqday oo aheyd 15 gaadiid ayaa eedeeyay dowladda Turkiga.

Faroole waxa uu sheegay in Turkiga uu ka baxay dhexdhexaadnimada oo uu mashaariicda ku koobay magaalada Muqdisho laakiin waxa uu sheegay in hadii ay wax ku tareyso dowladda Soomaaliya aysan ka xumeen.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa tilmaamay in laga doonaye Turkiga howlaha mashaariicda ah ay ka wadaan dalka Soomaaliya qeyb kamid ah ay gaarsiiyaan deeganada maamulka Puntland wuxuuse tilmaamay inaysan ka xumeyn hadii Muqdisho kaliya ku koobeen.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxa uu sidoo kale dowladda Talyaaniga ka codsaday in ay gacan ka siiso adeegyada bulshada sida dhismaha Iskuulada iyo sidoo kale in ay maalgashato deegaanada Puntland.

Daafeet.Com