Weriye Maxamed Ibraahim Raage oo shalay galinkii dambe lagu dilay magaalada Muqdisho ayaa maanta meydkiisa lagu aasay qabuuro ku yaalla deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta, suxufiyiin iy ehelada marxuumka ayaa ka qeyb-galay aaska.
Agaasimaha Raadiyow Muqdisho, Cabdiraxiin Ciise Caddow oo warbaahinta kula hadlay qabuuraha ayaa tacsi u diray ehelada iyo bahda saxaafadda, isagoo Alle uga baryay inuu naraxiista Jannadiisa ka waraabiyo.
Dilalkan qorsheysan ee loo geysanayo wariyeyaasha ayaa ah kuwa ay dowlada ilaa iyo hada ey wax ka qaban ladahay wariyahan ayaa noqonaya wariyihii afaraad ee la dilo sanadka 2013.
Daafeet.Com