Ciidamada Nabadsugida oo howlgalo baaritaan ah ka bilaabey Wadada Warshadaha

0
59

CiidanCiidamada Nabadsugida ayaa howlgalo baaritaano ah kawada wadada warshadaha ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo gaaadiidka iyo dadka shacabka ah ay ku baarayaan.

Howlgalkaan ayaa la sheegaya in lagu xaqiijinayo ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalmahan dambe noqday mid aan wanaagsaneyn marka loo eego qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee Magaalada ka dhacaya.

Saraakiisha ciidanka Nabadsugida ilaa hada faah-faahin kama aysan bixin ujeedka howlgalka iyo cida lagu soo qab qabtay ilaa iyo iminka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Booliiska ay ka qeyb qaadanayaan Baaritaanka ciidanka Nabadsugida ay wadaan oo ka socda wadada warshadaha.

Daafeet.Com