Ciidanka Boliiska ee Magalada Gaarisa oo Xabsiga dhigey in ka badan 100 Ruux

0
84

kenyaBooliska Kenya ayaa howlgal ballaaran oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Gaarisa ee xarunta gobolka waqooyi bari Kenya waxay ku xireen in ka badan 100 qof.

Howlgalka ayaa qeyb ka ah dadaal xooggan oo ay waddo dowladda Kenya oo lagu soo celinayo ammaanka magaalada Gaarisa oo bilihii ugu dambeeyay faraha ka baxay, waxa uuna yimid kaddib markii madaxweyne Uhuru Kenyatta uu amar ku siiyay booliska inay soo afjaraan dilalka ka dhacaya magaalada ee lagu bartilmaameedsanayo ciidanka ammaanka iyo dadka rayidka ah.

Boolisku waxay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalka ilaa ay ku guuleystaan dib u soo celinta ammaanka iyo qabqabashada kooxaha ka dambeeya weerarrada halkaas ka dhacay.

Booliska ayaa ku eedeeyay kooxda al-Shabaab iyo kooxo musuqmaasuq ku shaqeysta oo xiriir la leh ciidanka iyo qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka inay ka dambeeyaan dilalka.

Magaalada Gaarisa iyo dhowr magaalo oo kale waxaa ka dhacay falal argagaxiso oo lagu dilay dad rayid ah iyo saraakiil amni.

Daafeet.Com