Isbaarooyinkii laga qaaday magaalada Muqdisho kadib amarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadana si hoose loo soo dhigay qeybo ka mid ah magaalada oo gaadiidka lacago looga qaado.
Saaka ayaa lagu arkay qeybo ka mid deegaanka Madiina ee Muqdisho gaadiid lacago laga qaadayo oo BL ah , iyadoo lacagtaasi ay qaadayeen meleeshiyo hubeysan lakiin la rumeysan yahay in dowladda ay hoostagaan.
Lacag u dhaxeysa 10 ilaa 20 ayaa la arkayey iyada oo isbaarooyinka looga qaadayo gaadiidka.
Degmada madiino ayaa aheyd degmooyinkii ugu dambeeyey ee laga qaadey isbaarada ayaa hada waxaa jira Isbaarooyin kuwan la mid ah oo qaati looga taagan yahay gobolka shabeelaha hoose taasoo ey dowlada in badan ey indhaha iska tirtey lagana sugayo in ey wax ka qabato
Daafeet.Com