Markab laga leeyahay Dalka Turkiga oo mucaawino sidey oo maanta kusoo xirtey Dekeda Berbera

0
41

IYILIK GEMISI SOMALI YOLUNDAMarkab shixnad gargaar wada kana socda Turkiga ayaa maanta markii ugu horeysay ku xirtay dekeda magaalada Berbera ee maamulka Soomaaliland.

Markabkani oo wada raashiin gargaar oo isugu jira, Bur, Bariis iyo Sonkor, ayaa dowlada Turkiga waxa ay ugu deeqday shacabka danta yar iyo barakacayaasha ku dhaqan deegaanada maamulka Soomaaliland.

Agaasimaha guud ee wasaarada dib u dejinta maamulka Soomaaliland Cali Max’ed C/llaahi Biikolo ayaa sheegay in hay’ada Bisha Cas ee Turkiga ay shixnadani gargaarka ah ugu deeqday dadka danta yar ee ku dhaqan Soomaaliland, waxa uuna tilmaamay in mucaawinadani loo qeybin doono dhamaan dadka danta yar ee ku nool gobolada iyo deegaanada maamulka Soomaaliland.

Talaabadan ayaa noqoneysa talaabadii ugu horey ee ey qaadey dowalda turkiga taasoo ey rabto iney gargaar gaarsiiso guud ahaan meel kasta oo ey ku dhibaateysan yihiin umada danta yar ee ku nool guud ahaan somaliya.

Daafeet.Com