Gargaar loogu tala galay dadka taagta daran ee Soomaaliya ayaa ka imaanaya dowladda Masar Sida ay baahiyeen warbaahinada ka howlgala dalka Masar
Ururka Qaabilsan u gargaarida dadka dhibaateysan oo ka dhisan dalka Masar oo ka hadlayay dhibaatooyinka kala duwan ee dunida dacaladeeda ka jira,ayaa waxay soo hadal qaadeen Soomaaliya oo iminka ka mid ah meelaha ugu daran ee dhbaatada ay ka jirto.
Waxayna go’aansadeen in gargaar sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gaarsiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee daruufaha kala duwan oo dhaxal u noqday,kuwaasi oo ku dhibaateysan gudaha dalka.
Dadka heli doono gargaarka ayaa waxaa ka mid ah kuwa ay saameeyeen colaadaha, fatahaadaha Wabiga Shabelle iyo dadka wali aan ka kabsan abaarta Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhibaatada ugu badan waxay ka dhaxleen colaadaha iyo abaaraha dalka soo maray,iyadoo haatan ay jiraan dad saameyn ay ku yeesheen fatahaadaho uu sameeyay wabiga shabeele.
Daafeet.Com