Ciidamada Amisom oo sheegey in ciidamo ka tirsan Alshabaab ay ku dileen deegaanka Hoosingoow

0
40

amisomTaliska AMISOM ayaa sheegay inay koox ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ku dileen iska horimaad muddo kooban socday oo shalay ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Hoosingoow iyo Dhoobley oo kawada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay kolonyo gaadiid ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM lagu weeraray shalay baqadii inta u dhexeysa Dhoobley iyo Hoosingoow, halkaasoo uu ka qarxay dagaal socday muddo nus-saac ah laguna dilay lix Al-shabaab ka tirsan sidoo kalena dhankooda uu kaga dhaawacmay hal askari.

AMISOM ayaa sheegtay in goobta ay uga carareen xoogaggii Al-shabaab hub kala duwan, kuwaasoo ay gacanta ku dhigeen.

Taliyaha guud ee AMISOM, Jen. Andrew Gutti ayaa sheegay in dagaalkaas ay ka qaybgaleen sidoo kale ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya; wuxuuna dagaalkaas ku tilmaamay mid looga adkaaday Al-shabaab ayna sii socon doonaan dagaallada lagula jiro Al-shabaab inta dadka deegaannadaas ku nool ay nabdagalyo buuxda ka helayaan.

Daafeet.com