Dowlada Kenya oo Dowlada Soomaaliya ku Bareejaysay Wasiirad Arimo Dibadeed

0
53

aaasMadaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta u magacaabay Aamina Maxamed Jibriil Wasiirada Amuuraha dibada Kenya iyadoo noqona doonta wasiir arimo dibadeedkii ugu horeeyay ee dalka Kenya ee qabta xilkaan kana soo jeeda Soomaaliya.

Taariikh kooban oo la xiriirta haweeneydan oo laga sheegay xaflada madaxtooyada Nairobi ka dhacday ayaa lagu sheegay in Aamina Maxamed ay mudo dheer ahayd dibolomaasi ka tirsan wasaarada arimaha dibada Kenya gaar ahaan safaaradda Kenya ee Geneve ku taalla.

Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay in Aamina Maxamed Jibriil tahay ruux u qalma jagadan muhiimka ah ee loo xilsaaray.

Aamina ayaa waxay dhowaanahandadaal ugu jirtay inay tartan u gasho jagada Ururka Ganacsiga Aduunka (World Trade Organization) balse haatan kasoo hormaray xilkan culus ee loo magacaabay.

Aamina ayaa waxaa ay kasoo jeedaa beesha Dhulbahante ee degta gobolada waqooyi ee Soomaaliya gaar ahaan gobolka Sool waxayna ku dhalatay magaalada Elderet ee gobolka Rifti Valley ee dalka Kenya.
Waxayna sidoo kale ka soo jeedaa qabiilada Soomaalida ee looga tirada badan yahay gudaha bulshada soomaalida Kenya waxayna sugeysaa inay meel mariyaan Baarlamaanka dalka Kenya.

Aamina ayaa waxay noqoneysaa qofkii ugu horeeyay ee kasoo jeeda Soomaaliya ee la siiyo xilka intaa la’eg hadii uu Baarlamaanka Kenya ay ansixiyaan.

Waxaa kaloo kamid ah wasiirada maanta lagu dhawaaqay Fred Matiang’I, wasiirka tiknolojiyadda iyo Isgaarsiinta ICT, Henry K. Rotich wasiirka maaliyadda iyo James Wainaina Macharia wasiirka caafimaaadka.

Inkasta oo aan si toos ah loo ogayn ujeedada iyo sababaha uu Kenyatta u doortay Aamina ayaa hadana in badan oo ka mid ah dadka u dhuun daloola arimaha siyaasada dalka Kenya u arkaan in arimaha loo magacaabay Aamina Maxamed Jibriil aan aad uga fogayn xikmada Soomaaliyeed ee leh “LAFO MAROODI IYAGAA LAYSKU JABIYAA”taasoo ka dhigan Soomaaliya ayaa Wasiirada Arimaha Dibada horay ugu magacaabatay Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo reer Waqooyi Isxaaq ah sidaas daraadeed labo gabdhood oo Soomaali ah kana soo wada jeeda isku deegaan Waqooyiga Soomaaliya inay maxfalada Caalamku ay ku hardamaan iyagoo weliba leh waxaan kala matalnaa Soomaaliya iyo Kenya.