Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kormeer ku tagay saldhigyo ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Raysul wasaaraha oo ay wehliyeen wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka iyo kan gaashaandhigga ayaa booqday dugsiga tababarka ciidamada booliiska ee Jeneral Kaahiye, xarunta wasaaradda gaashaandhigga iyo xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka.
Muddadii uu ku sugnaa dugsiga jeneraal Kaahiye, Shirdoon wuxuu halkaas kula hadlay ciidamo tababarar loo soo xiray, oo si gaar ah loogu tababaray sugidda ammaanka gobolka Banaadir, wuxuuna kula dardaarmay inay u si hufan oo firfircoon ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.
Daafeet.Com